Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Madaxweynaha Koonfurta Galbeed ee soomaaliya oo Kismaayo lagu soo dhaweeyey.

$
0
0

Kismaayo ( afdheer ) sabti 27. Diiseember 2014. Madaxweynaha Koonfurta Galbeed ee dalka soomaaliya shariif Xasan Sh. Aden iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Kismaayo booqasho ku yimid.

Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islam (Axmed-Madoobe) iyo wasiiro.

Safarka Shariif Xasan waxaa ku weheliya masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan xubno wasiiradiisa ah iyo siyaasiyiin.

Safarka Shariif Xasan  ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay qeysiga maamulka Jubaland ay ku leeyihiin Digil  & Mirifle sidoo kale qeybta ay ka helayaan KG state beesha Absame.

 

● Xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan Jubaland iyo Koonfur galbeed.

●Awood qeybsi labada dhinacba bulshada ku kala nool.

●Jubaland inay caawiso KG state.

●Shabaab oo laga saaro labadan maamul goboleed.

 

Col. Maxamed sheekh Cumar oo ka mid ah xubnihii guddiga  farsamada 18-kii  xubnood ee dowladda soomaaliya u magacowday maamul u sameynta gobolada Bakool, Baay iyo Shabeelaha hoose waxna ka dhisay maamulka KG state ayaa ka mid ah waftiga madaxweyne shariif Xasan.

{JCOMMENTS OFF}

Raage

info@afdheer.com

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles