Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Puntland iyo buuraha galgala.

$
0
0

Garoowe ( afdheer ) 06, Janaayo 2015,  Dowlad goboleedka puntlaan ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay ku qaadeen buuraleyda Galgala.

Madaxweyne Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada dowlad goboleedka puntland ka guuleysteen maleyshiyadii ay la dagaalamayeen ciidamaduna la wareegeen goobihii, saanad meletari iyo agab kale.

Dagaalkii Diiseember 2014 ayuu madaxweyne Gaas sheegay inay ciidamadiisu dileen 34 askari, 17 dhaawac iyo 2matoor oo ay ka gubeen.

Madaxweyne Prof. Gaas oo VOA u waramayey ayaa sheegay in ciidamada puntland dagaaladii ugu dambeeyey ku dileen 20, 29 dhaawac maleyshiyada shabaab ah xagga puntlaan -

nna ka dhinteen 5 askari ka dhaawacmay 4 askari.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in dagaalku sii socondoono illaa dedgaanadan laga sifeeyo cadowga kusoo duulay.

Madaxweyne Prof. Gaas ayaa sheegay in ay ciidamadu qabteen qaar ka mid ah saraakiisha shabaab.

Dowladda puntland ayaa leh ciidamo tababar fiican leh oo sugay guud ahaan abniga Puntland taasoo uhorseeday in deegaankaasi noqdo dhul ay ka jirto nabad la isku Haleyn karo shacabkuna heleen adeegyada aasaasiga ah inta badan.

{Jcomments off}

Aden

Adis Ababa, Ethiopia

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles