NNairobi ( Afdheer ) Isniin 05, Janaayo 2015. Shalay waxaa la baahiyey in medka fidel Odinga laga arkay gurigiisa oo Nairobi ku yaalla.
wax faahfaahin ah lagama bixin medka wiilka hoggaamiyaha xizbiga mucaaradja ah ee ODM Kenya.
wiilka Raila ayaa la sheegay in lagu naaneysi jirey Fidel Castro lagana tilmaamay inuu ahaa 41 jir firfircoon oo dhowr jeer ka qeyb galay tartan siyaasadeed si loo doorto.
Fidel wuxuu ahaa xaasle 1 ilmo leh.
Wiilka Raila ayey dad badan u arkayeen inuu noqon doono ruuxa baddelaya aabihiis Raila Odinga dhanka siyaasadda qoyskooda.
Kenya waa dal la dabeecad ah dadka deriska la ah waxaana awood ku leh qabyaaladda ama qabiilka, waxaana marar badan ka dhaca mudaharaadyo rabshado wata.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka tscsiyeeyey geeridaas.
{jcomments off}
Aden
afdheer.com