Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Xagey tagayaan ergooyinka gobolka jubbada dhexe?

$
0
0

Nairobi (Afdheer) Waxaa lasoo gabagabeeyey qorshihii dhidibada loogu taagi lahaa maamul goboleedka jubaland State waxaana billaabanaya sidii ay ergooyinka saddexda gobol u tagi lahaayeen Kismaayo xarunta gobolka jubbada hoose.{jcomments off}

Gobolka Gedo iyo Gobolka jubbada hoose ayey ergooyinku awoodaan inay si xor ah u yimaadaan madasha shirka maadaama ay soo qaadan karaan diyaarado, baabuur, iwm kadib markii ay ciidamada jubbooyinku ku guuleysteen inay ka xoreeyaan deegaanno badan oo ka mid ah maleyshiyadii shabaab.

Haddaba, Gobolka jubbada dhexe oo ka kooban 4 degmo ( Salagle, Saakow, Bu`aale iyo Jilib ) ayaa ku wada jira gacanta maleyshiyada shabaab mana jiraan meel ay kasoo qaadan karaan diyaarad geysa Kismaayo ama baabuur ay u racaan Kismaayo!.

Sida muuqata ergooyinka gobolka jubbada dhexe waxaa u furan inay tagaan Afmadow, Dhoobley iyo Nairobi si ay u helaan farsamadii ay ku tagi lahaayeen Kismaayo.

Saddex meelood meel ergooyinka gobolka jubbada dhexe ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xarunta goboka jubbada hoose magaalada Kismaayo oo uu shirweynuhu ka furmi doono 23.2.2013 - 08.3.2013.

Kismaayo

info@afdheer.com

Afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles