Nairobi ( Afdheer ) Waxaa Nairobi ku sugnaa wasiirka arrimaha bulshada Jubaland Macallin Maxamed Ibrahim wuxuuna u gudbay Dhoobley.
Macallin Maxamed ayaa howlo Shaqo u tagay Dhoobley si uu u kormeero laamaha dowlad goboleedka Jubaland ee magaalada xudduudda Soomaaliya iyo Kenya Isla markaana udiyaariyo Ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobley ilaa Afmadow.
Macallin Maxamed Ibrahim ayaa Dhoobley iyo Afmadow ku diyaarin doona Ciidamada Jubaland ee tagi lahaa degmada Xagar ee gobolka j/hoose iyo gobolka j/dhexe.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa tagaya gobolka Gedo si maamul heer gobol iyo heer degmo loogu soo dhiso gobolkaas.
{Jcomments off}
Faafin : afdheer.com