Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Jubaland oo gashay xilligii guusha.

$
0
0

Kismaayo ( Afdheer ) Waxaa la gaaray xilliggii guusha dowlad goboleedka Jubaland waxaana laga soo gudbay xilliggii raadinta iyo dhismaha dowlad goboleedka.

Jubaland waxay dooneysaa in la qabto doorasho madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

Jubaland waxay dooneysaa isku shaandheyn golaha wasiiradda dowlad goboleedka iyadoo la filayo 3/2 meelood wasiirada hadda xilka ka haya Jubaland inay xilalkaas waayi doonaan 2-3 wasiirada jooga ay kasoo laaban doonaan.

Xoreynta deegaanada Jubaland ee maqan iyadoo uusan jirin weli qorshe la ogyahay oo AMISOM ka bilaabeyso howlgal deegaanada Jubaland ee maqan laakiin la rajeynayaa in Qorshaha xiga Baardheere iyo Diinsoor uu noqon doono Bu'aale.

Arrimahaas dartood waxaa la galay xilli kala guur ah oo adag loona baahan yahay dulqaad iyo maamul wanaag.

Isbadelka xilligu waa mid yar oo kooban madaxweynaha Jubaland ayaa la dooranayaa agoosto 2015 halka Isku-shaandheynta golaha wasiiradda dowlad goboleedka Jubaland Isla bishaas la filayo inuu dhici doono.

Xilliga doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa ah mid aad u yar in kastoo ay dad badan una badan mucaaradku hore u sii sheegeen inaan la dhaafi karin doorashada madaxweynaha Jubaland xilliggii heshiiska adis Ababa uu dhigayey oo ku beegan agoosto 2015.

Sida ruux walba u muuqata Waxaa la filayaa in madaxweynaha Jubaland loo dooranaayo madaxweyne Axmed-Madoobe.

 

{Jcomments off}

Info@afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles