Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo qiimeyn kusameynaya degmooyinka dalka

$
0
0

Muqdisho- afdheer, dowladda soomaaliya oo la tashi la sameyn doonta dowlad goboleedyada dalka kaalmana ka heli doonta UNta ayaa qiimeyn ku sameyn doona degmooyin badam oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Degmooyinka dalka Soomaaliya ayaa barnaamijka new deal u ogolaanaya in loo dhiso ama loo dayactiro 4ta aasaaska arrimaha bulshada sida caafimaad, wacbarasho, biyo & abniga.

guddi ayaa qiimeyn kusoo sameyn doona degmooyinka dalka.

waxaa dhici doonta in degmooyinkii uqalmi waaya degmo la soo jeedin doono in laga tiro degmo halka tuuladii degmo u qalanta la soo jeedin doono in laga dhigo degmo.

Qorshahan aakhirka waxaa la horgeynayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan go'aanada ay soo gaaraan hudigaas, wasaaradda artimaha gudaha iyo guddiga xuduudaha iyo federaalka.

Sida muuqata waxaa abuurmaya gobolo cusub oo lagu qiyaasay 5-7 gobol oo ku biiri doona 18 gobol oo si sharci ah dalka uga jira iyo 86 -92 degmo hore ujirey.

{jcomments off}

 

Faafin: afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles