Kismaayo (Afdheer) Bisha Janaayo 2016 waxaa Kismaayo lagu qaban doonaa dhammeystirka shirka wadatashiga aayaha dalka Soomaaliya ee Agoosto 2016ka.
Shirka Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ka soo baxay 7 qodob oo la sheegay in lagu dhaxdhaxaadiyey labadii dhinac ee ku kala aragti duwanaa qaabka looga gudbayo doorashada 2016 lagu wado inay ka dhacdo Soomaaliya.
Hab deegaan loo marayo 4.5 ayaa ka mid ah qodobadaas in loo qabto doorashada 2016ka taasoo micnaheedu yahay in laga soo xulo degmooyinka iyadoo loo eegayo hab beeleedkii 4.5
Shirka wadatashiga Soomaaliya ayaa 10.01.2016 lagu soo gabagabeyn doonaa shir ka dhici doona magaalada Kismaayo xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka jubaland.{jcomments off}
info@afdheer.com
afdheer.com