Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Bakool oo laga diiday maamulka Shariif Xasan.

$
0
0

Bakool (Afdheer) Kadib magacaabistii xildhibaanada koonfur galbeed waxaa soo baxay in Shariif Xasan jabiyey heshiis ay lahaayeen qeyb ka mid ah shacabka Bakool heshiiskaas oo dhigayey tiro go'an oo xildhibaano ah.

Si ay taas udhacdana tirada xildhibaanada koonfur galbeed la kordhiyo oo tiro yar lagu daro tiradii 95ta xildhibaan.

Qorshahan waxaa lagu gaaray shir ay dowladda federaalka iyo beesha caalamku ku dhaxdhaxaadiyeen Raxaweyn iyo beesha Absame ee gobolka Bakool.

Magacaabistii xildhibaanada KOonfur galbeed waxaa la sheegay in tirada dhimman ka mid yihiin xubnihii lagu heshiiyey inta ka dhimman laakiin kuma qancin ree Bakool.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayo in la dhiso Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyadoo uu isku dayayo inuu ka baxo balkantii lagu heshiiyey.

Dhacdadaas kadib, waxaa jira qorshe la doonayo in la tago degmada Yeed ee gobolka Bakool si loo billaabo in degmooyinka beesha Absame ee Bakool yeeshaan maamul ugooni ah oo ay ka go'aan koonfur galbeed.

Todobaadkan gudahiisa haddaysan helin beeshu tiradii ay qeybta uheleen deegaanadaas waxaa muuqata inay si wadajir ah u qaadan doonaan go'aan ah inay ka go'een Koonfur galbeed.

 

Faahfaahin dheeri ah kala soco halkan ...

{jcomments off}

 

Afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles