Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Xildhibaan Xerow: deegaankoodii ma aheyn in laga soo celiyo Ceelbarde-na way fiicneyd

$
0
0

MUQDISHO (afdheer) Xildhibaanada Xuddur waa kuwii diidanaa wadajirka dadka Bakool wada degganaa waa kuwii lahaa dadkaas ma dagaan Ceelbarde, Aato iyo Yeed.

"Waa xildhibaanno qaran laakiin xildhibaanadu waa 4xizbi iyo badh deegaankii ay matalayeen ma aha xildhibaanada Xuddur jooga Ceelbarde hadday tagayaan inay la socdaan xildhibaanadii deegaankaas ayey ahey laakiin xildhibaanada Xuddur jooga waa kuwo wada abaabul iyo kicin dadka deriska ah" sidaas waxaa yiri xildhibaan Xerow.

"Deegaanka aan maamulka udhisannay waa xor wuxuu xuduud la leeyahay Baledweyne, tiyeegloow, Xuddur, Waajid iyo Luuq"

"Dastuurka dalka qodobkiisa 42aad faeqadiisa 2 aad ayaa noo ogol inaan maamul sameysanno, maamulkaas wuxuu noo shaqeyn karaa muddo sannad ah kadibna waxaan ku biiri karaa maamulada Jubaland iyo Shabeele midkood"

Xildhibaan Maxamed Idle Xerow oo ka mid ah xildhibaanada beesha Absame kana mid ah xildhibaanada wax ka dhisay maamulka Bakool sare ee Ceelbarde ayaa eedeeyey xildhibaanada ku sugan Xuudur isagoo ku eedeeyey inay yihiin kuwii ka dambeeyey in ay maamul dhistaan dadka leh Ceelbarde, Aato iyo Yeed.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay yihiin xildhibaanno qaran laakiin ay u socdaan abaabul dagaal ayna fiicneyd in loo diido ama laga soo celiyo Ceelbarde.

"Xildhibaanadii ka shaqeeyey in dadkaas la duudsiyo dalkaasna ma dagaan lahaa inay Bakool sare tagaan waa khalad"

Hadalka xildhibaan Xerow ayaa la xiriira kadib markii xildhibaanada Xuddur loo diiday inay tagaan Ceelbarde.

{Jcomments off}

 

Afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles