Yeed (Afdheer) Sarkaal ka tirsan Boliiska Saldhigga degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa Sheegay in tuulada Rabdhuure lagu dikay 5 ruux.
Taliyaha rugta Boliiska ee tuulada Rabdhuure Xasan Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xaqiijiyey dhimashada 5 ruux oo lagu dilay Rabdhuure.
"Shabaab ayaa dishay oday 90jir ah xabbadii ayaa la maqlay ciidanka meletariga Soomaaliya (SNA) ee Rabdhuure ayaa ku orday kuwii odayga dilay oo la timaan raacay ahaana 4 shabaab ah ayaa la helay waana la laayey" sidaas waxaa yiri Taliyaha rugta.
Boliiska degmada Yeed ayaa beeniyey warar sheegaya in dilalkaasi ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda kuna sugan Soomaaliya.
{Jcomments off}