Nairobi (Afdheer) Haggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya oo ku sugnaa Xaafadda Islii magaalada Nairobi ayaa cambaareeyey weerarkii ay shabaab ku qaadeen xero ciidan (AMISOM -Kenya) ku lahaayeen tuulo lagu magacaabo Ceelcade oo ka tirsan degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Hoggaamiyaha xizbiga aqlabiyadda dalka Kenya Aden Bare Ducaale, Senetor Yosuf Haji, senetor Abdirahman Olow, Hon.Yosuf Hassan iyo madax kale ayaa maleteiga Kenya ka dalbaday inay 48 saacadood gudahooda talaabo ka qaadaan kuwii (shabaab) weeraray xerada ciidanka Kenya.
Madaxdan ayaa walaac ka muujiyey khatarta shabaab oo muujineysa cadownimo ay u hayaan Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa maalin ka hor sheegay in weerarkaas dartiis aysan ciidamada Kenya uga soo bixi doonin dalka Kenya.
{Jcomments off}
Afdheer.com
Info@afdheer.com