Magaalada Kismaayo waxaa maanta oo Axad ah laga musaafuriyay Suldaan Maxamud Geelle Cumar,
0o kamid ah salaadiinta beesha Harti, kaasoo la sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku xirnaa magaalada Kismaayo.
Ilaa hadda ma cadda sababta maanta Kismaayo looga tarxiilay Suldaanka, balse xarrigiisa iyo musaafurintiisa aya ku soo aaday xilli dhawaan Odayaasha beesha Harti ay sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish.
Warar lagu kal soonaan karo ayaa sheegay in Suldaanka uu xiray wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish isla markaana uu isaga ka dambeeyo in Kismaayo laga musaafuriyo.
Suldaanka ayaa la sheegay in ay diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo isla markaana ay u duulisay magaalada Muqdisho.
M ajirto ilaa hadda cid maamulka Jubbaland oo ka hadashay tallaabada lagu musaafuriyay Suldaan Maxamuud Geelle Cumar oo ka mid ah salaadiinta ugu caansan beesha Harti.
{Jcomments off}
Xigasho: Jubalandmedia