Kenya oo ka mid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegay inay soo jeedisay in la qalabeeyo ciidan Soomaaliyeed.
Wasiirada difaaca dalka Kenya oo ka qeybgashay Shirka waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka hadashay xasilinta iyo hanashada dhulka laga xoreyey Shabaab.
Shirka Jabuuti ayey Kenya soo gudbisay in la dhiso ciidan qaran oo la wareega abniga deegaanada Shabaab laga xoreeyey.
Wasiirad Kenya u qaabilsan difaaca ayaa sheegtay in ay AMISOM ilaalin doonto abniga doorashada Soomaaliya ka dhici doonta.
Shirkan ayaa la sheegay in lagu badalay qalabkii hore ee howlgalka AMISOM, waxaana la filayaa in ay tallaabooyin muuqda qaadi doonaan ciidamada AMISOM oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Lama oga ciidanka ay Kenya soo jeedisay inuu yahay ciidan loo qalabeeyo ciidan qaran iyo in loo qalabeeyo ciidan maamul goboleedyada Soomaaliya.
{Jcomments off}
Afdheer.com
Info@afdheer.com