Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Ciidamadii Qabsaday Beerxaani Jimcihii Shalay oo Ka baxay.

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadii maanta la wareegay gacan ku haynta deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ay dib uga soo baxeen, kuwaasoo ku laabtay magaalada Kismaayo.{jcomments off}

Ciidankan ayaa deegaannadaasi ka soo badbaadiyey illaa 50 maxbuus oo u xiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo qaarkood ku xukunnaa dil.

Ciidankan ayaa sidoo kale la sheegay inay horay u soo kaxeeyeen gaadiid gaaraya illaa 100 baabuur oo isugu jira noocyada xammuulka iyo raaxada oo deegaannadaasi ay Al-Shabaab ku haysatey, iyadoo qaar ka mid ah gaadiidkaasi lagu wareejiyey dad rayid ah oo horay ay Al-Shabaab uga qaadatay.

Ciidamada deegaannadaasi maanta la wareegay ayaa dib uga soo laabtay markii ay bannaanka ka duqeeyeen, ka hor inta aysan gudaha u galin, iyadoo dagaal xooggan uu in muddo gudaha deegaannadaasi ku dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Alshabaab ee halkaasi laga saaray.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ayaa la sheegay inuu ka dhashay khaasare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu la’egyahay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles