Kismaayo (Afdheer) Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aden iyo xubno isugu jira labada gole ee dowlad goboleedka jubaland kana soo jeeda gobolka Gedo ayaa tagay gobolka Gedo.{jcomments off}
Waftigan oo isugu jira xubno muxaafidkii hore ee jubaland ka mid ah iyo xubno kooxdii dambe ee la heshiisay Jubaland ayaa si wadajir ah u doonaya inay xalliyaan khilaaf cusub oo ka jira gobolka Gedo.
Qaar ka mid ah reer Gedo ayaa la saftay goddoomiyihii hore ee xilka laga baddalay Mr. Buule.
Buule wuxuu saluugay in xilkaas uu ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobolkaas dhawaan loo magacaabay sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.
afdheer.com