Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Shacabka Kenya oo 96% taageersan in Qaxootiga Soomaalida lagu celiyo dalkooda.

$
0
0

Nairobi (Afdheer) Ra`yi uruurin la sameeyey ayaa la sheegay in shacabka dalka Kenya saddex meelood laba meelood doonayaan in Qaxootiga Soomaalida loo raro dalkooda Soomaaliya.{jcomments off}

Taageerada ugu badan ee ra`yi uruurintan ayaa ka imaneysa gobolada bartamaha dalka Kenya halka 36% shacabka gobolada waqooyi bari ogolaadeen in Qaxootiga la celiyo.

Dadka reer Kenya ayaa doonaya in la soo celiyo ciidanka Kenya 56% in ciidankooda laga soo saaro dalka Kenya. Halka ay qaar doonayaan in ciidamada Kenya ku ekaadaan xuduudda oo ay halkaas ka illaaliyaan.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in la raro Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku sheegeen in ay masuul ka yihiin abni darida ka jirta dalka Kenya.

Dabayaaqada sannadkan 2016 ayaa lagu wadaa in la xiro xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Qaxooti muddo dheer ku nool.

Xigasho: VOA laanta afsoomaaliga


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles