Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Wadahadal u furmay Somaliland iyo Khaatumo.

$
0
0

(Afdheer) Labada maamul ee Khatumo iyo Somaliland ayaa billaabay wadahadal rasmi ah oo u furmay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya heshiis ujeedadiisu tahay sidii maamul heshiis lagu yahay oo mid ah u heli lahaayeen gobolada waqoiyi ee Soomaaliya ama deegaan waliba loogu tixgalin lahaa maamulka u gaarka ee ay dhisteen.

Maamulada u furmay wadahadalku waxay dagaalameen in badan iyadoo midna uusan aqoonsaneyn kan kale.

Wadahadaladan haddii ay ku heshiiyaan labada dhinac waxay Somaliland heli kartaa rajo ah inay ka goostaan Soomaaliya inteeda kale.

Maamulku Khaatumo wuxuu aaminsanaa Soomaaliweyn in kastoo ay dowladda Xasan Sheekh diiday inay la shaqeyso Khaatumo kana dhigto dowlad goboleed ka mid ah kuwa laga dhisay Soomaaliya waxaa la filan karaa in maamulka Khaatumo oo saluugsan sida ay ula dhaqmeen dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiis la galaan Somaliland taasoo dhabarjab ku noqon doonta diwladda Soomaaliya iyo midninadda Soomaaliya.

{jcomments off}

 

info@afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles