Kismaayo (afdheer) Sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda maamulka Jubaland wuxuu maamulku taageeri doonaa beelaha u diyaarsan inay la dagaalamaan shabaab.
Qorshahan ayaa yimid ka dib markii geel laga qaatay beel ka mid ah beelaha dega galbeedka duleedka Kismaayo,
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay Juabaland ayaa si toos ah u taageeraysa beesha laga dhacay geela si ay awood ugu helaan ay dib u soo ceshadaan geeloodii laga qaatay.
Ree Miyiga ayaa ka xummaaday in geel ka dhacaan Shabaab iyagoo ballan qaaday inay si walba ku soo ceshan doonaan geelooda iyagoo la dagaalami doona shabaab.
deegaan u dhow beerxaani ayaa la sheegay in lala tagay geelii laga dhacay beel ay shabaab ku eedeeyeen inay taageertay Jubaland si uu sheegay Oday ka mid ah odayaasha beesha geela laga dhacay.
{jcomments off}
afdheer.com