Muqdisho (afdheer) Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay dowladda Kenya qoraalkaas oo Kenya loogu sheegay in ay Soomaliyya mamnuuci doondo diyaradaha Qaadja ee ka imaanaya Kenya.
Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskii ay wadagaleen Soomaaliya iyo Kenya aysan weli fulin heshaaskaas dhanka Kenya.
Soomaaliya ayaa hadda go'aansatay in 05. January 2017 Soomaaliya laga mamnuuco dhammaan diyaaraha Kenya ka keena Qaadka.
Heshiiska aysan Kenya weli fulin waxaa ka mid ah in ay Kenya joojiso diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya ee loo leexiyo Wajir iyo in qaxootiga Soomaaliya ee ku jira xerraha dhadhaab aan lagu khasbin dib u celinta Soomaaliya illaa inta looga diyaarinaayo arrimaha aasaasiga ah.
Soomaaliya ayaa weli ku jirta xilli doorasho oo gabogabo ah.
{jcomments off}
info@afdheer.com