Nairobi (afdheer) Sida la baahiyey waxaa jira qorshe kor loogu qaadayo horumarka bariga qaaradda Afrika waxaana koboca dhaqaalaha qeyb weyn ka geysan doona dalka Shiinaha (china)
Waxaa hore u qorsheysnaa wado tareen oo ka baxda Lamu illaa South Sudan hase yeeshee Warar la baahiyey ayaa tilmaamaya in la ballaadhiyey mashuucan loona gudbiyey dhanka Soomaaliya iyadoo ay ka faa'iideysan doonaan koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubaland.
750 Km jid tareen iyo waddo baabuur ayaa la qorsheeyey in ay dhisto shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha lama oga cidda bixineysa dhaqaalaha ku baxaya qeybta ay Soomaaliya ku leedahay dhismahan muhiimka u ah dhaqaalaha 5 waddan oo afrikada bari ku yaalla kana mid noqotay Soomaaliya kuwa ka faa'iideysan doona dhismahan.
info@afdheer.com
{jcomments off}