Jijiga (afdheer) Guud ahaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ( Ogaden regions) waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada una baahan caawin deg-deg ah.
9-ka gobol ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa asiibtay abaar kadib 2 sanno oo roob yaraan ka jirtay.
Daruuro ayaa ka da'ay deegaanada qaarkood waxaa roobabkaas yar ee ka da'ay deegaanada qaarkood isugu tagay xoola dhaqatada oo isaga gooshaya masaafo aad u dhaadheer si ay xoolahooda u badbaadiyaan.
Deegaanka soomaalida Itoobiya masiibada ugu weyn ee abaarta kaalmeysay ayaa ah biyo la'aan ka jirta guud ahaan deegaanka waxaana suuragal ah in dad iyo duunyo badan u dhintaan biyo la'aan.
Ceelasha matoorada biyaha ee ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu qiyaasi karaa 10% halka waraha iyo biyo qabatinadu yihiin kuwo aan anficin dadka iyo duunyada inta badan kadib markii waro, berkado iyo biyoqabatinno lagu qaatay qandaraasyo aanay noqon kuwo ay ka faa'iideyteen shacabka deegaanka sababo la xiriira halka laga sameeyey, sida loo qoday, daryeel la'aan, iwm waxaana jira meelo la sheegay in berkado ama waro laga qoday aan hal maalin laga cabin.
Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sannadihii aan soo dhaafnay ku faantay inay wax badan ka qabatay abniga iyo horumarka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u muuqata inay ku fashilmeen abaartan saameysay dhammaan deegaanka kadib markii ay talo faraha ka baxday xoola dhaqatada deegaankuna u hayaameen dalka aduunka ugu maamulka xun ee Soomaaliya si ay xoolahoodu biyo u helaan.
Dowlad deegaanku waxay hore u xaqiijiyeen inay sugeen abniga deegaanka iyo inay horumar weyn ka sameeyeen dhanka biyaha iyagoo sheegay inay soo gateen baabuurta qoda ceelasha dhaadheer iyo waliba inay dhiseen biyo qabatinno la isticmaali karo sannado hase yeeshee sheegashadaas waxaa waxba kama jiraan ka dhigay abaarta hadda ka jirta deegaanka oo waxa ugu daran ay tahay biyo la'aan ka jirta gobolada oo dhan.
Gobolada xuduudka Puntland u dhow ayaa billaabay inay xoolahoida saaraan baabuur waaweyn si ay ugu tallaabaan dhanka Soomaaliya maadaama aysan xooluhu socon karin jileec awgiis.
gobolada Wardheer iyo Qorraxey waxaa ka jira abaar baaxad weyn oo u baahan gurmad deg deg ah.
Dhanka gobolada xuduudka Somaliland ayaa la gaarsiiyey gargaar aan kaafiyin baahida ka jirta halkaas.
Dhanka gobolada fog ee koonfurta deegaanka sida Shabeele, Afdheer iyo Liibaan ayaa ah meelo aysan dowlad deegaanku waxba kala socon ahna deegaano aad moodo in aysan ka tirsaneyn deegaanka Soomaalida Itoobiya goboladaas oo ah gobolada ugu roon dhanka biyaha maadaama ay maraan Webi Shabeele, Weeb iyo wabiweyne (Ganaane) ayaa haddana waxaa ka jira abaar aan sannado badan soo marin, goboladan ayaa u baahan gurmad deg deg ah.
Dhammaan jaaliyadaha ku nool dalka dibadiisa, ganacsatada iyo hay'adaha waxaa laga codsanayaa inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan deegaanka Soomaalida Itoobiya si loo badbaadiyo shacabka deegaanka oo qarka u saaran masiibo ay keentay abaar ka jirta dhammaan deegaanada Soomaalida Itoobiya.
Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa maalmo ka hor si rami ah u faafisay in gurmad loo fidin doono saddex ismaamul oo ka mid ah 9-ka ismaamul ee ka jira dalka Itoobiya 3daas deegaan waxaa ka mid ah deegaanka Soomaalida Itoibiya.
{jcomments off}
Faafin: afdheer.com
info@afdheer.con