Xuddur (afdheer) Gobolka bakool oo kamid ah gobolada ay abaartu baabiisay duunyada ayaa hadda waxaa ka jiraa cudur lagu sheegay shuban biyood dad badan u dhimmanayaan.
Cudurkan oo weheshada gaajada iyo jileeca bini'aadmiga ayaa ka dilaacay dhammaan degmooyinka gobolka bakool Xuddur, Waajir, Yeed, Aato, Ceelbarde iyo Titeegloow.
Dad badan ayaa la sheegay inay u dhinteen cudurkan shuban biyoodka labada guddoomiye degmo ee Yeed iyo Ceelbarde oo la hadlay saxaafadda ayaa dalbaday gargaar deg deg ah in loo fudiyo deegaanada xuduudda.
Abaarta waxaa dhinac socda cudurka shuban biyoodka oo dilaa ah wuxuuna dilay oo weli udhimanaya dadka waxaana jira in biyuhu ciriiri noqdeen gobolkan oo dhan kadib markii ay jabeen qaar ka mid ah ceelasha matoorka ee laga cabi jirey, sidaas waxaa yiri guddoomiye degmo ka warbixinaayey dhibaatada ka jirta gobolka bakool. {jcomments off}