Muqdisho (afdheer) Faarax Macalin Dawaara oo u tartamaya kursiga Garissa-township ee baarlamaanka Kenya doorashada 2017 kana tirsan xizbiga mucaaradka dowladda Kenya ayaa tagay Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Faarax Macalin ayaa bartiisa twitter horey ugu qoray markii la doortay ra'iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu yaqaanay 11 sanno.
Tagista Faarax Macalin ee Muqdisho ayaa la sheegay inay la xiriirto talooyin uu doonayo inuu siiyo dowladda cusub ee Soomaaliya si ay u taageeraan siyaasadiisa doorashada Kenya 2017 iyo Itoobiya.
Saameyn intee la eg buu ku yeelan karaa Faarax Macalin siyaasadda dalka Soomaaliya? Soomaaliya waa dal soo kabanaya oo ay la degtay colaado sokeeye waxaana jooga ciidamo shisheeye oo ka socda midowga Afrika waa dal diyaarinaaya ciidan qaran oo badala ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM.
Soomaaliya waa dal weli ku socda siyaasadda maamul wadaagga ee 4.5 oo ku dhisan habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliya, madaxda Soomaaliya waxay talo wadaag yihiin madaxda iyo siyaasiyiinta beelaha Soomaaliya.
Waxaana jira nidaam iyo xeerar ay ku dhaqmaan siyaasiyiinta iyo odayaasha Soomaaliya mana aha nidaam uu wax ka baddali karo Faarax Macalin.
Si kadtaba ha ahaatee, Safarka Muqdisho ee Faarax Macalin oo sannadkan 2017 ka tartami doona kursiga MP Garissa Township lana tartami doona siyaasiyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka (majority leader) Kenya Aden Bare Ducaale oo ka tirsan xizbiga haya talada dowladda Kenya ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka tahay ololahiisa doorashada.{jcomments off}