Garissa (Afdheer) Tuulada Galma-galaa waxaa weerar u eg mid qorsheysnaa kusoo qaaday maleyshiyo la sheegay inay kasoo gudbeen Soomaaliya waxayna dileen ugu yaraan 4 qof waxay dhaawaceen dhowr kale.
Tuuladan Galmagalaa oo Xuduudda Kenya iyo Soomaaliya u jirto qiyaastii 45Km waxaa dhanka xuduudda Soomaaliya kasii xiga tuulada Haluuqa oo u dhow xuduudda.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah 2 Boliiskii tuuladaas joogay sida ay sheegtay idaacadda kenya (KTN).{jcomments off}
Weerarkan ayaa lala xiriirin karaa inuu ahaa mid qorsheysnaa oo la doonayey in lagu dilo mudanaha laga soo qoorto deegaankaas Faafi mudane Ilyaas Barre Shiil maadaama oo tuuladaas ka tagay waxyar ka hor intii uusan weerarku dhicin fiidnimadii waxaana la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan maleyshiyada shabaab iyo kooxaha qaswadayaasha Jubaland.
Mp Ilyaas Barre Shiil wuxuu ka mid yahay xubnaha sida muuqata u taargeera in ay dowladda Soomaaliya iyo Kenya aqoonsadaan lana shaqeeyaan maamul goboleedka ay dadka deegaanku doorteen ee dhawaantan laga sameeyey gobolada jubaland.
{youtube}Z2dC08xA2t8{/youtube}