Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Shir sannadeedkii beesha Cowlyahan ee qaaradda Yurub oo lagu qabtay dalka Denmark+ SAWIRO

$
0
0

Kobenhegan AXAD 08-09-2013{jcomments off}

Shir sannadeedkii caadiga ahaa ee jaaliyadda 2013 ayaa lagu qabtay Kobenhegan dalka Denmark shirkaas oo ay kasoo qeybgaleen xubnno ka kala socday jaaliyadaha Yurub shirkaas khadka telefoonka waxaa kaga qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin:-

-Sh. Axmed Maxamed Islan madaxweynaha Jubba state

-Nadiif Jamac Aden Governor Garissa county

-Ku-simaha madaxweynaha Jubba state Macalin maxamed Ibraahim

-Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud

Gabagabadii shirka waxaa kasoo baxay baaqan hoose:

1(a) in la sameeyo dalad isku xirta dhammaan qurbajoogta ku sugan qaaradda Yurub.

(b) in shir sannadeedka soo socda 2014 lagu qabto dalka Sweden.

2, (a) Jaaliyaddu waxay si buuxda u taageeraysaa heshiiskii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubaland state ku kala saxiixdeen magaalada Adis-Ababa dalka Itoobiya.

(b) Jaaliyaddu waxay bulshada jubaland ugu baaqeen inay meel uga soo wadajeestaan si wadajir ah taageeridda maamulka Jubba state isla markaasna ay ka shaqeeyaan nabadda.

(c) Jaaliyaddu waxay taageeraysaa talaabadii geesinimada laheyd ee ay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxwynuhu ku aqoonsatay kuna cadaadiyey in ay ergooyinka dowladda federaalka iyo mamulka Jubba state sidii loo gaari lahaa heshiis.

3. Jaaliyaddu waxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan maamulka jubba state iyo AMISOM qeybta 2aad ( section II ) ku dhiirigalineysaa in la xorreeyo gobolka Jubbada dhexe iyo deegaanada ka dhiman gobollada J/hoose iyo Gedo.

4. Jaaliyaddu waxay soo dhaweyneysaa booqashadii uu madaxweynaha DDS Itoobiya ku tagay gobolka Afdheer sidoo kale waxay jaaliyaddu taageeraysaa ballanqaadkii uu Madaxweynaha DDS Cabdi maxamed Cumar u ballanqaaay Odayaasha gobolka Afdheer kadib qodobo ay ka codsadeen maaxweynaha.

5. Jaaliyaddu waxay taageeraysaa horumarka uu Governor Nadiif Jaamac iyo golihiisa fulintu ka sameeyeen Garissa county.


Shir guddoonka

Cabdullaahi Faarax Xasan ( Baydhabo )

 



 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles