Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Dowladda Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka ogolaaday in Suuriya la weeraro.

$
0
0

(Afdheer) Qoraal kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu shaaciyey qoraal ay ku qoran yihiin dalalka ogolaaday in la weeraro dalka Suuriya oo lagu eedeeyey in ay xukuumadda ASAD isticmaaleen bishii Agoosto hubka kiimika ee noolaha baabiiya.{jcomments off}

Soomaaliya waxay kamid tahay illaa 25 dal oo la shaaciyey in ay saxiixeen in la weeraro Suuriya.

Soomaalida qaar ayaa soo dhaweeyey in ay dowladda Soomaaliya ka danqato dhibaatooyinka ka socda Suuriya loona baahan yahay in la khasbo xukuumadda Suuriya si loo ixtiraamo shacabka oo ka hor-yimid xukuumadda kuna baaqay in ay dhacdo xukuumadda ASAD.

Soomaalida qaar ayaa aaminsan in lagu degdegay saxiixa ogolaanshaha in la duqeeyo ama la weeraro Suuriya maadaama hub lagu duqeeyo uusan badbaadin doonin shacabka ama rayidka, sidoo kale Soomaalida ayaa xasuusan in dagaalkii 1977-kii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo labada dalba (Somaliya iyo Itobiya)  ay WAARSO ka mid ahaayeen isbahaysigii WAARSO cod u qaaday in Soomaaliya la weeraro kadib markii lagu eedeeyey inay ku xadgudbtay gudahana u gashay dalka Itoobiya dalka kaliya ee diiday u codeynta weerarkaas ay horboodayeen Ruushka iyo Kubba ayey saraakiishii XDS ku sheegeen inuu ahaa dalka Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda ASAD ayaa xadgudubyo muuqda oo baahsan ka geysanaya dalka Suuriya.

Nairobi

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles