Baydhabo (Afdheer) Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay waxaa bilihii ugu dambeeyey ka socday qabanqaabada shirweyne lagu hindisayo in lagu dhiso maamul gobolleed loo bixiyo Koonfur galbeed Soomaaliya waxaa muuqata in ay siyaasiyiin Digil iyo Mirifle (Raxaweyn) u dhashay ay shacabka ka dhaadhicinayaan weli in ay dhisayaan maamul ka kooban 6 gobol.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa sheegay inay dhisayaan maamul 3 gobol ka kooban, kadib markii uu fashilmay isku day u muuqday mid riyo maalmeed ah oo ay shaqsiyaad ku sugan Baydhabo ku doonayeen in ay ku fashiliyeen maamulkii Jubaland state.
Sida laga dareemayo Baydhabo waxaa kusoo fool leh rag mucaarad ah oo kasoo fallaagoobay maamulka Jubba state kuwaasoo looga gacan-haadiyey Baydhabo, dhowr ruux oo la sheegay inay yihiin siyaasiyiin ayaa la hadal hayaa inay iman doonaan Baydhabo kuwaasoo sheeganaya inay matali doonaan deegaanada Jubba state.
Qorshahan ayaa la sheegay in laga hagayo Muqdisho si loo mucaarado heshiiskii Adis-Ababa ee ay ku heshiiyeen Jubaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Baydhabo waxaa ka qorsheysan in shirweyne ka dhaco looga tashanayo maamul goboleed in kastoo ay jiri karaan shaqsiyaad iska hadla haddana waxaa hubanti ah in shirka Baydhabo haddii uu u qabsoomo si wadajir ah oo ay heshiis ku yihiin beelaha wada dega Bay, Bakool iyo shabeelaha hoose lagu dhisi karo maamul gobolleed ka kooban 3daas gopbol.
Bayadhabo
info@afdheer.com
afdheer.com