Jigjiga (Afdheer) Cayaarihii 9ka gobol ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo gabagaboobay waxaana ciyartii final-ka aheyd maanta wada cayaaray cayoortaydii ku cayaarayey magaca gobolka Afdheer iyo gobolka Godey oo isugu soo hadhay ciyaartii finalka aheyd waxaana 1 guushu ku raacday gobolka Afdheer.{jcomments off}
Afdheer 1 - 0 Godey
Cayaartii maanta ayaa aheyd cayaar aad loo xiiseynayey waxayna cayaartoydu kusoo bandhigeen cayaar wanaag, cayaartoyda gobolka Afdheer ayaa muujiyey cayaar wanaag iyadoo ay banooniga hoggaamintiisa inta badan maamulayeen maanta cayaartoyad gobolka Afdheer.
Guusha ay soo hoyeen cayaartoyda gobolka Afdheer kadib waxaa Jigjiga ka dhacay damaashaad ay sameeyeen taageerayaasha cayaartoyada gobolka Afdheer.
Koobka kubadda cagta waxaa 2013 ku guuleystay Afdheer, kaalinta labaad waxaa galay Godey halka ay SITI ka gashay 3aad.
dhanka kale, Cayaaraha fudud oo lasoo gabagabeeyey waxaa kaalinta 1aad galay SITI, 2aad Faafan, 3aad Afdheer. Dhanka cayaayaha hidaha iyo dhaqanka waxaa kaalinta 1aad galay Shabeelle haalka ay Afdheer iyo SITI galeen 2aad iyo 3aad.
Jigjiga
info@afdheer.com
Afdheer.com