Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Shirkii brussel oo furmay soomaali badan oo kasoo qeybgashay.

$
0
0

Brussels (Afdheer) Shirka loogu magac daray New deal ayaa Soomaalida iyo midowga Yurub uga furmay dalka Beljium magaalada Brussel maanta oo isniin ah waxaana furitaanka shirka ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo EU waxayna sheegeen in ay soomaaliya gali doonto waji cusub oo dib u dhis ah.

Shirka ayaa socon doona illaa beri oo talaado ah ( 2 maalmood isniin iyo talaado).

Sida ka muuqata sawirkan waxaa shirka fadhiya madax Soomaaliyeed oo uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Puntland, madaxweynaha jubaland iyo guddoomiyeyaal gobol oo laga soo xaabiyey gobollada ay dowladdu dhawaantan u magacowday gudd. gobol aan ku iman doorashada ama rabitaanka dadka gobolladaas oo ay iska soo magacowday dowladdu.

Shirkan ayaa ka duwan kuwii hore ee Soomaalida loo qaban jirey waxaana muuqata in aysan jirin kalsooni lagu qabo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo laga soo qeybgaliyey shirkan xataa guiddoomiye gobol ay kamid yihiin gudd. gobollada Hiiraan, Jowhar iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubba state ayaa la sheegay inuu booqan doono shirka kadib dalka Denmark maalinta 19. sep. 2013.{jcomments off}

 

Brussel

afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles