Baydhabo (Afdheer) Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawari kana kooban labada gole ee dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Baydhabo.
Waftiga oo hadal kooban saxaafadda siiyey ayaa sheegay in ay ku yimaadeen codsi uga yimid Odayaasha dhaqanka ee deegaanada ay kaso jeedaan kuna sugan Baydhabo si wax looga qabto cabashooyin beryahan ka jirey Baydhaba.
Sida laga soo xigtay xubno waftiga ka mid ah waxaa sugan in Odayaasha lagu qabcin doono inay qorsheeyaan sidii ay maamul goboleed ugu sameyn lahaayeen gobolada Bay iyo Bakool warkan aanu ka heley ilo xog ogaal ah waxaa calaamadda (?) saaran yahay gobolka shabeelaha hoose in la raacin doono Bay iyo Bakool in-kastoo la shegay in ay weli doodaasi ka socoto Muqdisho.
Qorshaha waftiga dowladda ayaa ah in Raxaweyn lagu qanciyo inay gobollada ay u badan yihiin aayahooda ka kashadaan inta ay u talaabayaan gobollo looga tira badan yahay oo maamul ay ku mideysan yihiin sameystay,
Aden
Baydhabo
Afdheer.com