Kismaayo (Afdheer) Maamul goboleedka Jubaland ayaa diyaarinaya ciidamo tayo leh oo sugi doona abniga guud ahaan saddexda gobol ee uu maamulku ka kooban yahay bilaha soo socda.
Maamul goboleedka Jubaland wuxuu furay tababaro la siiyey dhowr dafcadood oo ka mid ah ciidamadii Jubaland ku sugnaa iyo kuwo cusub.
Ciidamada Jubaland ayaa dhammaantood hubka laga xareeyey si ay usoo wada maraan tababar ciidan oo laga furay Kismaayo, Raaskaambooni iyo Dhoobley iyadoo ay kumanaan askar ah tababaro ku soo qaateen dugsiyada tababarka ee saddexdaas meelood.
Maamulka Jubaland wuxuu ciidamada u diyaariyey qalab ciidan oo dhammeystiran mana jiri doonto askari dhar shacab ah ku labisan oo ka tirsan maamul goboleedka maalmaha soo socda.
Maamulku wuxuu awoodda koowaad saaray sidii askarta ku sugan Jubaland looga dhigi lahaa ciidan qaran oo maamulku leeyahay loogana gudbi lahaa qaab urur ama qaab beeleed (maleyshiyo) waxaana la isku dhafay dhammaan ciidamada ku sugnaa deegaanada ay maamulkaan Jubaland. {jcomments off}
Maamulka Jubaland ayaa dayactiro ka wada magaalooyinka uu maamulo si loosoo celiyo hay`adihii dowladda iyo nidaamkii burbursanaa laga soo billaabo 1991dii, dib u dhiska laamaha dowladda waxaa barbnar socda daryeel lasiinayo dadka taagta daran ee ku nool Jubaland kuwaasoo lagala kaashanayo hay`adaha samafalka.
RAAGE
Kismaayo
info@afdheer.com
afdheer.com