Kismaayo (Afdheer) Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sh. Axmed ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana garoonka kusoo dhaweeyey madaxa maamulka Jubaland.
Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa safarkiisa ku wheliya xildhibaan Xiddig iyo xubno xafiiskiisa ah. {jcomments off}
Ra`iisul wasaaraha oo si heer sare ah loosoo dhaweeyey ayaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada gobolka jubbada hoose oo hadda ah xarunta Madaxweynaha maamulka Jubaland.
Booqashada ra`iisul wasaaruhu waa mid ka mid ah safarro uu ku kala bixinayo gobollada dalka Soomaaliya inta ay maamusho dowladda Soomaaliya.
faahfaahin naga fisha.
RAAGE
Kismaayo
info@afdheer.com
afdheer.com