Kismaayo (Afdheer) sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah waxaa soo xarooday 16 ka tirsan raggii la joogay Col. Bare Hiiraale kuwaasoo ay si rasmi ah ula wareegeen guddiga loo xilsaaray arrintaas oo ku sugan nawaaxiga tuulada Goobweyn.
"Galabnimadan waxaa nasoo gaaray 16 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa raggii la jirey Bare Hiiraale kuwo kalena waan sugaynaa inay yimaadaan illaa beri subax"- ilo xog ogaal ah ayaa laga soo xigtay hadalkaas.
Sida ay sheegayaan warar hoose ragga soo xarooday ma aha rag hubeysan.
Inay soo xaroodaan dhalinyaradan waxaa ka dambeeyey waxgaradka beesha Sade oo kulamo muhiim ah la qaatay ra`iisul wasaare Dr. Cabdiweli Sh. Axmed iyo masuuliyiinta maamulka Jubbaland.
Booqashadii ra`iisul wasaare Cabdiweli sh. Axmed waxaa la oran karaa waxay aheyd mid taariikhi ah oo wax weyn ka badali doonta siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka Jubaland iyo guud ahaan abniga Soomaaliya.
{youtube}rLvHBR4RMp8{/youtube} {jcomments off}
Kismaayo
info@afdheer.com
afdheer.com