Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Puntland iyo weerarkii Taleex.

$
0
0

Garoowe (Afdheer) Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in ay cambaareynayaan weerarkii ciidamada Somaliland kuwaasoo qabsadeen degmada Taleex wasiirka ayaa sheegay in ay Somaliland weli sii wada daandaansigii ay ku hayeen shacabka Puntland iyagoo saaka weerar kusoo qaaday Taleex.

wasiirka ayaa isagoo sii hadlaya yiri "beesha caalamka waxaan ogeysiinaynaa inaysan Puntland u dulqaadan doonin gardarrada ay Soomaaliland ku heyso shacabka reer Puntlan wixii cawaaqib xumo ah oo arrintaas ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadan doonto Somaliland".

Puntland waxay sheegtay inay qaadi doonaan talaabo aysanna u dulqaadan doonin gardaradaas. {jcomments off}

wasiirka ayaa warkiisa ku sheegay inay Puntlan cambaareynayso weerarkii lagu qaaday Taleex, wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in maamulka Siilanyo uga digayaan taageerada kooxaha argagixisada ee Shabaab.

Garoowe

afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles