Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Kismaayo oo lagu heshiiyey+ VIDEO

$
0
0

KIsmaayo (Afdheer) Shirar socday tan iyo markii uu Kismaayo tagay ra`iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa Jubaland ka socday dub-u-heshiisiin maraysa meel gabogabo ah.

Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya markii uu ka dhoofayey Kismaayo wuxuu magacaabay guddi uu madax ka yahay wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil Shuuriye  guddigaas ayaa magacaabay guddi hoosaadyo ka qeybqaata dhaxadhaxaadinta socota.

{youtube}5gDywTlPQJw{/youtube}   {jcomments off}

Maamul goboleedka Jubaland iyo Col. bare Hiiraale ayaa la doonayaa in la heshiisiiyo.

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in ay Jubaland ka tanaasuleen wax badan dhaxdhaxaadiyeyaashuna ay ku guuleysteen in Col, Bare iyo ciidamadiisa ay soo galaan Kismaayo si shuruud la`aan ah iyagoo kamid noqon doona ciidamada Jubaland.

Shalay kulan ay yeesheen labada dhinac waxaa saxaafadda la hadlay laba Oday dhaqameed iyo goddoomiyaha guddiga dhax-dhaxaadinta waxayna saadaaliyeen in heshiis la gaari doono iyagoo sheegay in la is cafiyey lana gaaray xabbad joojin,

Haddaba shirarkaasi dhacayey ma yihiin kuwo ay ku qanacsan yihiin maamulka Jubaland iyo dhinaca kasoo horjeeda ee Col. Bare hoggaamiyo?

Sida laga dareemayo Kismaayo maamul goboleedka Jubaland wuxuu u hoggaansamay ammarkii/taladii dowladda Soomaaliya waxayna ra`iisul wasaare Dr. Cabdiweli Sh. Axmed ka ogolaadeen dhammaan shuruudihii lagu gaari lahaa xal iyo dib-u-heshiisiin loo sameeyo beelaha isku haya awoodda Kismaayo, iyagoo xiray hal shuruud oo ah in ciidamadaas marka lasoo xareeyo hubka laga dhigo lana galiyo xeryaha tababarka ciidanka ee lagu tababaro ciidamada Jubaland, in kastoo shuruudaas la sheegay in ay ka tanaasuleen maamulka Jubaland markii dambe.

Dhanka Col. Bare Hiiraale ayuu ra`iisul wasaaruhu kala kulmay diidmo iyo waliba cambaareyn lagu daliilay dib-u- hesiisiintii uu la yimid Kismaayo taageerayaasha Col. Bare waxay weeraro afka ah ku qaadeen ra`iisul wasaare Cabdiweli oo ay dadka reer Kismaayo u arkaan inuu yahay nin kasoo jeeda deegaankan Jubaland oo doonaya in la heshiiyo laguna midoobo maamul goboleedka ka kooban saddexda gobol ee Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, raiisul wasaare Cabdiweli waxaa lagu eedeeyey inuu la saftay maamulka Jubaland.

Dadka reer Kismaayo ayaa soo dhaweeyey dib-u-heshiisiinta dowlada iyo Odayaashu wadaan, waxaana rajo fiican laga qabaa in ay Kismaayo heshiis ku kala saxeexdaan Odayaasha beelahaas maalmaha soo socda haddii lasoo xareeyo ciidamada Goobweyn iyo haddii aan lasoo xareynba.

 

RAAGE

info@afdheer.com

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles