Kismaayo ( afdheer ) Khamiis 18, Disember 2014. Wafuud ka imaneysa Xamar iyo kuwo ka imanaya Baydhabo ayaa ku kulmi doona Kismaayo.
Waftiga Xamar waxaa hoggaamiya sii hayaha wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya mudane Xuseen Cabdi Xalane waxaana weheliya xildhibaano.
waftiga Baydhabo waxaa hoggaaminayo shariif Xasan sh. Aden madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed dalka soomaaliya.
wufuuddan ayaan Kismaayo u imaan hal qorshe oo ka dhaxeeya.
Safarka wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo xildhibaanada federaalka dalka soomaaliya ee la socda waa mid wada tashi si ay Jubaland iyo xubnaha federaalka ku jira go' aan uga qaataan magacaabista ra ' iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya maadaama lagu ballan furay Xalane.
Kismaayo waxaa dhawaan safar ku iman doona wafti uu Shariif Xasan sh. Aden hoggaaminayo wuxuuna ku saabsan yahay xiriir iyo iskaashi ay yeeshaan Jubaland iyo Koonfur galbeed.
Reer Baydhabo ayaa aaminsan marka Daarood laga reebo inay yihiin beesha ugu badan shacabka Jubaland sadkoodiina aysan helin.
Waxaa la sheegay inuu jiro gorgortan ku saabsan haddii Daarood madaxweyne ku xigeenka ka rabo maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya waa inaan annaguna (Digil & mirif) helaa madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubaland.
Sariif Xasan waxaa intaas udheer isagoo Jubaland ka codsan doona in maamulkiisa KG dhaqaale joogta ah siiyaan dowlad goboleedka Jubaland maadaama ay leeyihiin deked caalami ah.
Safarka Madaxweynaha soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo saraakiil Somaki National Arm SNA ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo si ay u sagootiyaan ciidamada siralyoon oo dalka ka baxaya kuna laabanaya dalkoodii, sida rasmiga ah madaxweynaha ayaa ka laaban doona garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
dhanka kale, Tan iyo markii la magacaabay ra ' iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubaland taasoo micnaheeda loo qaatay in saluug jiro.
{Jcomments off}
Kismaayo, Jubaland
info@afdheer.com
Afdheer.com