Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Afhayeenka ONLF oo sheegay in saraakiil lagaga dilay xuduudda Soomaaliya iyo Ogaadeenya.

$
0
0

Afhayeenka Ururka Ogaden national libaration front (Onlf) Cadaani Hirmooge oo wareysi siiyey idaacadda VOA laanta afsoomaaliga ayaa sheegay in dagaallo isdabajoog ah oo dhacay 18. july 2016 Baar-magoog ciidankooda qaar ka mid ah la dilay kuwo la qabtay.{jcomments off}

"Dagaalo isdabajoog ahaa oo ka dhacay deegaanka Ceelgaabta oo ay raggaasi rasaastu ka dhammaatay 4 ayaa la qabtay waxaa lagu dilay oo naga shahiiday 3 naftiihure 1 nin oo buka oo oday ahaa oo masuuliyiinta deegaankaas ka mid ahaa ahlusunna wajamaaca ayaa ka gadatay gumeysiga itoobiya, naftiihure Sheekh DEEQ xoghayihii gaashaandhigga ururka ONLF ayuu sheegay afhayeenku inuu ka mid ahaa 3da shahiiday ee la dilay".

Cadaani hirmooge ayaa sheegay aysan aheyn markii ugu horreysay ee sarkaal xilkan oo kake hayey la dilo wuxuuna sheegay inay sii labalaabi doonaan halganka ay ku jiraan.

Afhayeenka Onlf ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Itoobiya jawaab adagna ka bixin doonaa. Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalkan ka dhacay deegaanka ceelgaabta loo yaqaano ee u dhaxeeya Shilaabo iyo Feerfeer.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuu jirey wadahadal u dhaxeeyey Onlf iyo Itoobiya ayuu afhayeenku yiri " Kenya ayaa waday wadahadalkaas dhaxdhaxaadinta horey uma socoto dhaxdhaxaadintaas faylkaana ma laabmin, itoobiya sidii uu iga baxay Males meesha ma jiro wax mideysan oo itoobiya ka jira iyaga ayaana laba guruub ah oo aan wadahadal gali karin" Sidaas waxaa yiri Cadaani Hormooge afhayeenka Onlf.

Onlf waa urur ka dagaalama dalka Itoobiya gaar ahaan gobolada OGADEN oo u halgama xornimo ay ka qaataan itoobiya inteeda kale waxay ka dagaalamaaan gudaha dalka Itoobiya waxayna taageerayaal ku leeyihiin dalka dibadiisa.

 

Afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles